Faah faahino dheeraad ah ayaa  kasoo baxayaan qarax lala eegtay Ciidamada Itoobiya

 

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qarax Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya gaar ahaan kuwa ku howlgalla Magaca Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay.

Qaraxaaan oo la sheegay in uu ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa lala beegsaday Gaadiid ay wateen Ciidamada Itoobiya Gudaha degmada Qansaxdheere,waxaana la sheegay in qaraxaasi uu ka dhashay khasaaro kala duwan.

Dadka degmada Qansaxdheere qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta qaraxa iyo rasaas farabadan oo qaraxa kadib ay rideen Ciidamada Itoobiya balse aysan cadeyn karin khasaaraha kasoo gaaray.

Al-Shabaab ayaa Warar lagu daabacay Baraha Internet-ka ee taageera waxaa ay ku sheegteen mas’uuliyada qaraxaasi,iyaga oo sheegay in gubeen mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada Itoobiya.

Inta badan gobolada Baay iyo Gedo oo meelo kamid ah Ciidamada Itoobiya ay ku sugan yihiin ayaa waxaa ka dhaca weeraro toos ah iyo qaraxyo lala eegto,kaas oo mararka qaar ay waxyeelo kasoo gaarto dad Shacab ah.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com