Faah Daahino ka soo baxaya dagaal culus oo ka dhacay Laascaanood

Dagaal culus ayaa maanta mar kale ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Qaar ka mid ah Dadka shacabka ee ku sugan  laascaanood sheegay in saaka 4-tii aroonimo ay ku soo baraarugeen hugunka madaafiicda iyo rasaas xooggan oo dhinacyadu ay isweydaarsanayeen.

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa in uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Wasaaradda Gaashaadhigga Somaliland iyo qaar ka mid taliyeyaasha ciidamada Somaliland ayaa ku eedeeyay puntland iyo dhinaca kale ee ka  soo horjeeda inay dagaal ku soo qaadeen fariisimaha ciidamada Somaliland.

Waxaa sidoo kale ay eedeyn u soo jeediyeen maamul goboleedka Puntland oo ay sheegeen in ciiidamadiisu ay dagaalka ku lug lahaayeen.

Somaliland ayaa guulo ka sheegatay dagaalkii maanta iyo in ay saanad militari ku qabsatay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com