faafaahin:Wiil Dhalinyaro ah oo lagu dilay Cadaado.

Wiilka Dhalinyarada ah oo lagu Magacaabi jiray Cabdiraxmaan Macalin Cali ayaa waxaa Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ku diley Askari ka tirsan Ciidamada Booliska ka howlgalla Magaaladaas.
Dilka Wiilka dhalinyarada ahaa oo sidoo kale ahaa Goolhayaha Kooxda Kubadda Cagta Wakaaladda ee ka dhisan Degmada Cadaado ayaa yimid kadib markii Goob ay ka dhaceysay Ciyaar u dhaxeysay Kooxda Kubadda Cagta Cadaado iyo Koox ka socotay Beledweyne uu rasaas ku furay Askari ka tirsan Ciidamada Booliska Cadaado.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Booliska Magaalada Cadaado ay gacanta ku dhigeen, isla markaana ay xireen askarigii falka dilka ahaa u geystay Wiilka Dhalinyarada ahaa, kaas oo la geeyay Saldhiga Booliska Magaalada Cadaado.
Maamulka Magaalada Cadaado iyo laamaha amniga weli wax faah faahin ah kama bixin sababaha keenay in Askariga uu rasaas ku furo Garoon lagu ciyaarayay Kubadda Cagta oo ay ku sugnaayeen dadweyne aad u farabadan.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com