faafaahin:Qarax ka dhacay Baydhabo

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa goordhaw ka dhacey suuqa qaadka lagu iibiyo ee bartamaha magaalada Baydhabo.

Dhimashada 3 ruux iyo dhaawaca 7 kale oo shacab ah ayuu xaqiijiyeen masuuliyiinta degmada Baydhabo.

Qaraxa ayaa la dhigay Bartamaha suuqa Qaadka lagu Iibiyo oo aad u mashquul badan, waxaana masuuliyiinta ay sheegeen in khasaaraha uu intaasi kasii badan karo.

Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com