faafaahin:Maamulka degmada Awdheegle oo ka hadlay weerarka Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa saaka waaberigii hore waxaa ay weerar culus ku qaadeen degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay daagal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda & Al-Shabaab.
Maamulka degmada Awdheegle oo dagaalkaas ka hadlay ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid Al-Shabaab, isla markaana uu socdo howlgal ka dhan ah.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Maamulka Degmada Awdheegle ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada dowladda Soomaaliya ay haatan gacanta ku hayaan degmada Awdheegle iyo degaanka Bariire oo Al-Shabaab ay la wareegeen.
Hoos Ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Maamulka degmada Awdheegle.
Alle Ayaa Mahad iska leh oo Ciimadda Xooga Dalka ku Guuleeyay Iney Difaacaan Degmadda. nabadiidka Mar waliba Wexey isku Dayaan Iney Horistaagan Hormarka ka Socda degmada Iyo Daafeheeda
Ciidamada Xooga Dalka ayaa Saakey Jilbaha U Dhigay Dhalinyaro Lasoo Qaldey Oo nabadiidka soo Adeegsadeen
Degmada Awdheegle iyo Deegaanka Bariire Xooga Dalka iyo maamulka Degmada Ayaa Jooga.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com