faafaahin:Dil ka dhacay Magaalada Hargeysa

Wararka laga helayo Magaalada Hargeysa ee degaannada Soomaaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in Nin ku hubeysnaa tooreey uu Nin kale ku dilay mid kalena ku dhaawacay mid kamid ah Xaafadaha Magaaladaas.

Ninka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Macalin Xamse, ayaa xilliga Tooreyda lagu dilayay  ku sugna Xaafada Axmed Dhagax ee Magalada Hargeysa, iyada oo Ninkii falka geystay uu baxsaday.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in sababaha Ninka uu toreyda Ninka kale ugu dilay ay tahay khilaaf maalmihii la soo dhaafay ka dhaxeeyay halka midka dhaawaca ah uu doonayay in labada Nin uu kala celiyo xilli ay wada murmayeen.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaliland ayaa xalay ilaa saaka waxaa ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan Ninkii ka dambeeyay dilka iyo dhaawaca labada Nin, kaas oo la sheegay in uu u baxsaday meel kamid ah Magaalada Hargeysa.

Laamaha Amniga Soomaaliland ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay faah faahin ka bixiyaan sababaha keenay khilaafka labada Nin iyo sida uu u dhacday dilka Ninka & dhaawaca midka kale.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com