faafaahin:Dil ka dhacay degaan ka tirsan Gobolka Galgaduud & xiisad ka dhalatay.

Wararaka naga soo garaya degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in degaan ku yaal duleedka degmadaas ay maleeshiyaad hubeysan ku dileen Nin la sheegay in uu ahaa Xoolo Dhaqato, iyaga oo goobta ka baxsaday.

Dad ku sugan gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegeen in Maleeshyaada hubeysan ay ku dileen degaanka Riig oo 72km u jira magalaada Guriceel nin lagu Magacaabi jiray Salaad Nuur Dhagay, kaas oo kamid ahaa dadka degaanka.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayan in dilkasi uu salka ku haayo arrimo la xiriira aanooyin qabiil oo kajira degaanada Galmudug, waxaana degaanka uu dilka ka dhacay ka taagan xiisad ka dhalatay dilkaas

Dergaannada Galmudug ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa ka dhacay dilal kala duwan oo la xiriiray aanooyin qabiil, waxaana jira kuwo lagu guuleystay in xal laga gaaro Colaadaas halka kuwo kale ay taagan yihiin.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com