faafaahin:Dagaal ka socda degaan ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan una dhaxeeya labada maleeshiyo Beeleed ayaa waxaa uu ka socdaa meel u dhow degaanka Haracadeey oo qiyaastii 6km dhanka Galbeedka kaga beegan magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiran.
Labada maleeshiye Beeleed oo beeraleey ah ayaa waxaa ay isku heystaan Dhul ku yaal degaanka ay ku dagaalamayaan, sida ay u sheegeen warbaahinta dad ku sugan Gobolka Hiiraan.

Waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka u dhaxeeya labada maleeshiyo beeleed, iyada oo labadii maalmood ee la soo dhaafay xiisada dagaalka laga dareemayay degaanka Haracadeey ee Gobolka Hiiran.
Majirto mas’uuliyiin ka tirsan Mamulka Gobolka Hiiraan oo ka hadlay dagaalka, waxaana jiray waan waan ay wadeen Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan si looga baaqsado dagaalka balse aan lagu guuleysan.

Xafiiska wararka Muqdisho
aragticusub@gmail.com
nfo@aragticsub.com