faafaahin:Ciidamo Faransiis ah oo duqeyn ku dilay 19 Ruux

Duqeyn ay fuliyeen ciidmada Faransiiska ayaa waxaa ku dhintay 19 qof oo rayid ah iyo 3 nin oo hubeysan oo ku sugnaa xaflad aroos dalka Mali bishii January, waxaa sidaas lagu sheegay warbixin ay Qaramada Midoobey soo saartay.
Wasaaradda gaashaandhiga Faransiiska ayaa gaashaanka u daruurtay waxyaabaha lagu ogaaday warbixinta Qaramada Midoobey.

Waxay saraakiisha Faransiiska ku doodeen in weerarkii ay fuliyeen 3 January lala bartilmaameedsaday “koox argagixiso ah oo hubeysan”.
Dalka Faransiiska waxaa gobolka Saahil ka jooga 5,100 askari oo halkaasi kula dagaalama kooxo mintidiin ah oo gacan saar la leh ururka Al-qaacida iyo kooxda la baxday dowladda Islaamka.
Qaramada Midoobey ayaa baaritaankan fulisa ka dib markii dadka deegaanka ay sheegeen in diyaarad ah nooca Helekoptarka ay duqeysay dad ka qeyb galayay xaflad aroos meel u dhaw tuulada Bounti ee ku taalla bartamaha dalka Mali.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com