faafaahin:Askari ka tirsanaa Nabadsugida Jubbaland oo qarax lagu dilay.

Askari ka tirsanaa ciidanka Nabadsugida Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa ku geeriyooday qarax loogu xiray gaarigiisa, kaas oo barqadii maanta ka dhacay bartamaha magaalada Kismaayo.

Askarigan ayaa lagu magacaabi jiray Xamdi Maxamed Maxamuud, waxaana intii aan qaraxa lala beegsan uu ku jiray howlo la xiriira Sirdoonka iyo Nabadsugida magaalada Kismaayo.

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in hay’adaha ammaanka ay wadaan baaritaan la xiriira dhacdadan, iyadoo ilaa hadda aysan jirin cid sheegatay.

Qaraxan ayaa ku soo beegmaya xilli madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam uu magaalada Muqdisho u joogo shirka madaxda dowladda Federalka iyo maamul goboleedyada ee looga arrinsanayo is-mariwaaga hannaanka doorashada dalka, kaas oo ilaa hadda aan wax horumar ah laga gaarin.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com