faafaahin: Hooyo & Carruurteeda uu ku dhintay darbi kusoo dumay.

Qoyska ayaa waxaa uu ku noolaa Kam barakac oo ku yaal agagaarka Jaamacadda Shabeelle ee duleedka magaalada muqdisho, waxaana ku dhintay Hooyo Shan Caruur ah oo ay dhashay & Cunug kale oo la joogay.
Dhacdadaan ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen inay ka dambeeysay kadib markii uu kusoo dumay Hooyada & Carruurteeda Darbi ay roobkii xalay kaga gambanayeen.

Mid kamid ah dadka ku nool Xaafada dhacdadaan ay ka dhacday oo la hadlay warbaahinta ayaa u faah faahiyay sida ay wax u dhaceen iyo khasaaraha ka dhashay waxaana uu sehgay goobtaas ay ku dhinteen Hooyo Shan Caruur ah oo ay dhashay .

Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com