Erna Solberg oo soo dhisi doonta Xukuumad cusub dhammaadka Bishan.

Oslo, Ra.isul Wasaaraha wadanka Norwey Erna Solberg ayaa sheegtay in xukuumad cusub soo dhisi doonto Inta ka dhiman bishan aynu ku guda jirno ee Janaayo.

Erna oo Maanta la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in iminka kulamo gaar gaar ah la qaadaneyso Xisbiyada KRF iyo Venstre.

Waxaa ay xustay in kulamadaas yihiin kuwo looga hadlayo sidii loo buuxin lahaa Wasiiradi ay baneeyeen Xisbiga FRP.

Erna ayaa sidoo kale sheegtay in laba maalin ka hor sii ogeyd in Xisbiga FRP isaga bixi doonaan xukuumaddeeda.

Xisbiyada Venstre iyo KRf ayaa heli doona Wasiiro dheeraad ah kadib bixitaankii FRP.

KRF ayaa iminka ku howlan sidii xil wasiir loogu Magacaabi lahaa Gudoomiyahoodii xilkaas isaga dagay Knut Arild Hareide.

Knut ayaa xisbiga KRF isaga tagay markii xisbigaas go,aan ku gaaray la shaqeynta FRP.

Waxaana warbaahinta ku waramayaan in iminka diyaar u yahay in uu ka qeyb qaato xukuumadda Erna Solberg.

https://www.nrk.no/norge/solberg-haper-pa-ny-regjering-innen-slutten-av-maneden-1.14869686

Xafiiska Wararka,Oslo

Info@aragticusub.com