Ergeyga Abaaraha U Qaabilsan Somalia Oo Gaaray Baydhaba

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Abdirahman Abdishakur Warsame ayaa safarkiisi ugu horreeyay tan iyo markii xilkaas loo igmaday maanta ku tagay magaalada Baydhabo.

Ergeyga waxaa safarka ku wehliyey ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Adam Abdelmoula.

U-jeedka socdaalka ergeyga iyo ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay, ayaa ku qotoma u-kuur-galidda xaaladdaha abaaraha iyo nolosha danyarta abaaruhu saameeyeen, isagoo kormeer iyo indha-indheyn ku tagay, xeryo barakac oo ku yaalla magaalo madaxda gobolka Bay ee Baydhabo.

Xarunta KMG ah ee Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed, ayaa ka mid ah magaalooyinka ay ku soo barakaceen dadka ugu badan ee ay xoolihii iyo beerihii noloshoodu ku tiirsanayd abaaruhu waxyeeleeyeen.

Ergeyga ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ugu baaqay in ay gargaar iyo gurmad deg deg ah lala soo gaaro dadkaas.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com