Danjiraha Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya James Swan iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan Magaalada Jowhar ee xaruunta dowlad goboleedka ee Hirshabelle.
U jeedada socdaalka Ergayga qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan uu ku tegayo magaalada Jowhar ayaa waxaa ay qeyb ka tahay safaro uu ku tegayo xarumaha dowlad goboleedyada, islamarkaana uu kala hadlayo xalka gaarista muranka doorashooyinka.
Socdaalka James Swan ayaa ku soo beegmaya iyadoo xaakhilaaf uu ka taagan yahay doorashada Soomaaliya kadib markii lagu heshiin waayey fulinta ama hirgelinta heshiiskii 17 September lagu gaarey Muqdisho, waxaana mudadii sharciga ahayd ka dhamaadey goloyaasha baarlamaanka, halka Madaxweyne Farmaajo saacaddu dul taagan tahay oo ay u harsan yihiin maalmo qur ah.
.Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com