Madaxweynaha Eritrea: Waa in la joojiyaa faragelinta lagu hayo arrimaha gudaha Soomaaliya (Kulankii Labada madaxweyne ee Asmara)
Madaxweyneyaasha dallaka Eritrea Isaias Afwerki iyo Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo xasaasi oo saacado qaatay xalay ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada magaalada Asmara.
Kulanka ayaa ku saabsanaa sii xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal, iyo xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah, waxayna labada hoggaamiye caddeeyeen in xasilloonida Soomaaliya ay laf-dhabar u tahay in la waaro nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Madaxweyne Isaias ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in la joojiyo guud ahaan faragelinta dibadda ee lagu hayo Soomaaliya ee ka imaaneysa dibadda, taasoo sii hurineysa colaadaha iyo qalalaasaha gobolka.
Madaxweynaha Ertirea ayaa ku adkeystay in heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee Asmara, Soomaaliya iyo Masar ku dhexmaray Asmara, ujeedkiisu ahaa oo kaliya xoojinta xiriirka iskaashi ee taariikhiga ah; dammaanad qaadka nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya; iyo horumarinta danaha gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas.
Isha: Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane G. Meskel