Eratareeya oo beenisay in Xasuuq ay ka geysatay gobolka Tigray

Dowladda Eretariya ayaa beenisay” eedeymo ku saabsan in militarigeeda ka dagaallamaya gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya ay dileen boqollaal qof oo ku sugnaa magaalada Aksum, labo maalmood oo ka tirsanaa bishii November gudahood.

Warbixin ay soo saartay hayadda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa lagu sheegay in dil wadareedka la fuliyay 28-kii iyo 29-kii bishii November uu noqon karo fal dambiyeed ka dhan ah bani’aadannimada.

Hase yeeshee, Wasiirka Warfaafinta ee Ereratiya, Yemane G Meskel, ayaa eedeyntaas ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

“Warbixinta waxay inteeda badan ku saleysan tahay markhaatiga ay bixiyeen 31 qof oo ku sugan xerada qaxootiga Hamdayet ee gudaha Suudaan,” ayuu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Mr Meskel ayaa sheegay in la ogyahay in xeradaas dadka ku jira intooda badan ay yihiin dagaalyahannadii daacadda u ahaa xisbiga TPLF ee cararay kaddib markii lagu eedeeyay in ay “xaquuq ba’an ka geysteen” magaalada Mai-Kadra, xilligii ugu horreeyay ee uu dagaalka qarxay.

Amnesty ayaa sheegtay in warbixinteeda ku saabsan xasuuqa Aksum ay ka diyaarisay wareysiyo ay la yeelatay qaxootiga gobolka Tigray ka tagay ee ku sugan Suudaan, sidoo kalena ay khadka telefoonka ku wareysatay dad badan oo ku sugan magaalada, goob joogna ka ahaa dhacdooyinka.

Hayaddan u doodda xuquuqda aadanaha ayaa sidoo kale soo bandhigtay sawirro qalabka satellite-ka lagu qaaday oo muujinaya caddeymo ku saabsan qabuuro cusub.

41-ka ruux ee ka badbaaday xasuuqa iyo goob joogeyaal ayaa bixiyay magacyada 200 oo ruux oo ay yaqaanneen oo lagu dilay magaalada Aksum.

Qof ka tirsan shaqaalaha dowladda ee howlaha rayidka ayaa sheegay in meydadka wiilal yar yar iyo rag ay toogasho ku dileen ciidanka Eretariya aan in muddo ah la aasin, ayna waddooyinka iska daadsanaayeen maalmo, qaar badan oo ka mid ahana ay waraabeyaal cuneen Wuxuu tirada dhimashada ku qiyaasay in ay gaadhi karto ilaa 800 oo ruux, tiradaas oo mid la mid ah uu sidoo kale bixiyay baadari wareysi siiyay Wakaaladda Wararka ee AP. Baadarigaas ayaa warbaahinta tusayay kaararka aqoonsiga ee dadkaas iyo qabriyada lagu aasay meydadkooda.

Dowladaha Itoobiya iyo Eretariya labaduba way beeniyeen in militariga Eretariya ay ku lug lahaayeen dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray.

 Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com