Duqeyn loo geystay Degaanka janaale ee gobolka shabeelaha Hoose

Wararka ka imaanaya degaanka janaale ee gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegay in Madaafiic lagu weeraray degaankaasi

Madaafiicda ayaa la sheegay in ay ku dhacday qeybo ka mid ah deegaanka Janaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Warar ayaa sheegaya in madaafiicdaasi ay qaar ku dhaceen xaafado ay dagan yihiin  dad shacab ah , islamarkaana ay geysteen khasaare

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Ibrahim Aadan Cali Najax ayaa xaqiijiyey weerarkaasi ay ku dhaawacmeen illaa saddex qof oo shacab ah.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa tilmaamay in dadka shacabka ay waxyeeladu soo gaaray ay gurmad u fidiyeen ciidamada Xoogga dalka ee jooga deegaankaasi waxaana uu ku Eedeeyay Weerarkaasi in ay ka dambeeyaan shabaab

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com