Duqayn ka dhacday gobolka Jubada Hoose

Wararka ka imaanaya degmada Jamaame ee Gobolka Jubada Hoose, ayaa sheegaya in shalay laga maqlay duqayn xooggan oodiyaaradeed , kadib markii diyaarad dagaal ay ka geysatay  xarun ay Al-shabaab leeyihiin.

Duqaynta ayaa lala beegsaday xarun ciidan oo Al-shabaab ku leeyihiin tuulada Buurta Kuumba oo qiyaastii 12km u jirta degmada Jamaame, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Warar aan la xaqiijin , in duqaynta lagu burburiyay xaruntii la beegsaday oo Al-shabaab ku tababaran jireen malayshiyaadkooda, islamarkaana lagu dilay in ka badan 15 dagaallame oo kooxdaas ah.

Duqaynta waxa fuliyay diyaaradaha droneka Maraykanka oo kaashanaya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, inkastoo aysan weli Maraykanku ka hadlin

Ma jiro war ka soo baxay dhinaca Alshabaab oo looga hadlay duqaynta inkasta oo war bixinta hal dhinac ay tahay .

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com