duqayn ka dhacday gobolka Jubada Dhexe

Warar ka imaanaya gobolka Jubada Dhexe ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee dronka loo yaqaan duqaymo culus ay ka fuliyeen degaano hoostaga degmad Saakow ee gobolka Jubada Dhexe.

Duqayn ayaa lagu soo waramaya in ay Fuliyeen Ciidanka gaar ah ee Danab iyo kuwa Hawlgalka maraykanka ee Africom

Saraakiisha Amniga ee Dawlada Federaalka ayaa sheegaya in duqaymaha lala beegsaday dhor bartilmaameed oo Alshabaab saldhigyo  ay ka sameysteen kana tirsan degmada Saakoow iyo salagle ee gobolka Jubada Dhexe.

Dadka Degan goobaha ay duqaynta  ay ka dhaceen ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ay maqleen guuxa diyaarado iyo jug culus oo is xig xigtay  lamana oga ila hadda khasaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqaynta.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

info@aragticusub.com