Duqa Muqdisho oo u kuurgalay khasaaraha Weerkii Alshabaab ay ka geysteen Xarunta Gobolka

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho  Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo si deg deg ah ugu soo laabtay dalka, kadib safar shaqo oo uu ku joogay dalka Kuwait, ayaa kormeeray qaar ka mid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan dhaawacyada shacab waxyeelo kasoo gaartay Weerarkii Alshabaab  ay shalay kusoo qaaday Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.
Waxa uuna u rajeeyay in uu ilaaheey caafimaad deg deg siiyo.
Sidoo kale Duqa Magaalada Muqdisho ayaa u kuurgalay xaalada Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, asigoona halkaasi shir kula qaatay Guddoonka Sare ee Maamulka Gobolka Banaadir, Laamaha Amniga, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir iyo qaar ka tirsan Agaasimeyaasha.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Tacsi u diray Ehelada Shuhadadii ku dhintay  weerarkii shalay, Waxa uuna ka Mahad-celiyay gurmadkii ay geysteen Laamaha Amaanka, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo cid weliba oo gacan ka geysatay soo afjarida weerarka iyo bad-baadinta maatida.
Ugu danbeyn waxa uu sheegay in aysan marnaba Maamulka Gobolka Banaadir ka gaabin doonin u adeegida shacabka Soomaaliyeed, ayna baqdin gelin doonin weerarada ay geysanayaan Alshabaab , Waxaa uuna ugu baaqay bulshada in ay ka feejignaadaan dhagaraha Khawaarijta, loona midoobo dagaalka ka dhanka ah.