Dowladda Turkiga oo markale qalab Caafimaad soo gaarsiisay Soomaaliya

Diyaaraddii seddexaad oo deeq agab caafimaad sida oo ka socota Dowladda Turkiga ayaa saakay oo Isniin ah  ka soo degtay garoonka diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle Cismaan Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Qalabkaan ayaa ah kuwa lagula tacaalo xakameynta iyo ka hortaga Cudurka safmarka ah ee Coronavirus  oo kiisas badan oo kamid ah laga helay Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka kala socda Wasaaradaha Caafimaadk iyo Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa tegay Garoonka Muqdisho,iyaga oo deeqdaasi daawada ah kala wareegay Safiirka Soomaaliya ee Turkiga

Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah Dowladdaha sida xowliga ah Dowladda Soomaaliya uga taageerayo xakameynta cudurka Covid-19 oo sameyn ku yeeshay dalka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixintii ugu dambeysay ku sheegtay in la diwaan geliyay 48 saac ee la soo dhaafay ilaa 51 xaalado cusub oo COVID-19, 10 ruux ay bogsooseen hal qofna uu u geeriyooday.

Tirada xaaladaha COVID-19 guud ahaan  dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 722, waxaa bogsootay 44 Ruux. Halka 32 ruux oo kale ay u geeriyoodeen.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com