Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay ka hortagtay weeraro qaraxyo ah

 

Ciidanka kumaandooska Xoogga dalka ee Danab oo dhawaan la waregay deegaanka Janaay-cabdale oo qiyaastii magaalada kismaayo 60 km u jirta ayaa waxay wadaan howlgallo ka dhan ah Ururka Al-shabaab, isla markaana ay ku xaqiijinyaan ammaanka deegaankaasi.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidanka kumaandooska ay ka war helay gaari susuuki ah midabkiisuna yahay Madoow oo Al-shabaab kasoo buuxiyeen Walxaha  qarxa, isla markaana doonayeen ineey uga fuliyaan Magaalada Kismaayo.

Sidoo kale Saraakiisha waxaa ay sheegeen in Gaari Hoomeey oo isna qaraxyo lagu soo raray ayay ku qabteen duleedka deegaanka Janaay-cabdale , isla markaana ay bur-buriyeen.

 

Ugu dambeyn waxaa la sheegay in Ciidanka deegaanka janaay-cabdale kasoo saareen 18 miino oo Al-shabaab ay ku aaseen wadooyinka, sidoo kalena Ciidamada weli degaankaas ay ka wadaan howlgallo kala duwan.

Xafiiska Wararka jowhar.

 

Info@aragticusub.com