Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho ka bilaawday qorsho ka dhan ah Maamulka Jubbaland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib-u-hishiisiinta Soomaaliya Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Odayaasha Dhaqanka Beelaha dagga degaannada Jubaland iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Maamulkaas.
War kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa waxaa lagu sheegay in Odayaasha beelaha dagga Julabaland iyo siyaasiinta ka soo jeeda ay u soo gudbiyeen Wasiirka cabashooyin ku aaddan sida ay ku dhisantahay Dowlad Goboleedka Jubaland.

Sidoo kale Warka ayaa lagu sheegay in Odayaasha & Siyaasiyiinta ay sheegeen in aysan ku qanacsaneyn guud ahaan Maamulka Jubaland. Isla markaana ay daneynayaan maamul lagu dhiso si wada ogal ah, damaanad qaadi kara Nabadgalyadooda iyo isku haynta wada jirkooda iyo horumarkooda, shacabka ku dhaqan maamulka Jubaland.
Ugu dambayn, Wasiir Mukhtaar ayaa ka dhageeystay cabashooyinka ay soo gudbiyeeyn odayaasha beelaha dagga deegaannada Jubaland iyo siyaasiin ku wehliyay kulanka ay la qaateeyn Wasiirka.
Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli khilaaf xoogan uu u dhaxeeyo Madaxda muddo xileedkooda uu dhamaaday iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com