Dowladda Soomaaliya oo cambaareeysay qaraxyo lagu dilay Arday.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay si kulul u cambaareeysay qaraxyo xoogan oo ka dhacay Gudaha Magaalada Kaabuul ee dalka Afgaanistaan, kuwaas oo lagu dilay Arday farabadan, xilli ay Iskuul kasoo baxeen.
Qoraal kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxyadaas ay ahaayeen kuwo Argagaxiso ayna aad uga xun yihin, sidoo kale ay garab taagan yihiin murugadana la qaybsanaynaan shacabka iyo Dowladda Afgaanistaan.

“ Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaaraynasaa qaraxyada argagixisada ee galaaftay ardayda aan waxba galabsan ee ka dhacay Caasimadda Kaabul ee Dalka Afgaanistaan. Waxa aannu garab taagannahay, murugadana la qaybsanaynaa shacabka iyo Dowladda Afgaanistaan ayaa lagu yiri” Qoralka kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.
Majirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda qaraxyada lagu dilay ardayda farabadan ee ka dhacay dalka Afgaanistaan, waxaana sidoo kale cambaareeyay Kooxda Taaliban oo inta badan weerarada qaraxyada ah ka fulisa dalka Afgaanistaan.
Saraakiisha dalka Afghanistan ayaa dhankooda waxaa ay sheegaeen in ugu yaraan 25 qof lagu dilay in ka badan 50 kalana lagu dhaawacay qaraxyada ka dhacay meel u dhow iskuul ku yaalla caasimada Afghanistan ee Kabuul.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com