Dowladda qof kasta oo dhinto waxaan u diiwaaan gilineynaa Coronavirus”

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in xilligaan qof kasta ee dhinta ay Dowladda Soomaaliya u aqoonsan tahay in uu u dhintay Cudurka Coronavirus.

Waxaa uu sheegay in maalin walba ay dhintaan dad farabadan oo la sheegay in Cuduro ay kamid tahay Mallaariyo u dhinteen,balse warkaasi aan wax ka ka jirin hayeeshee dadkaasi dhamaantood ay Guryahooda ugu dhinteen COVID-19.

Wasiir Maareeye oo sii hadlayay ayaa waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay u muuqdaan kuwo xilligaan aan ka foogigneyn halista Cudurka Coronavirus oo kusii faafaya Soomaaliya.

Ugu dambeyn Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay qaataan talooyinka Caafimaad,waxaana hadalka Maareeye uu kusoo aadayaa xilli kiisaska Cudurka Coronavirus ee laga helay Soomaaliya ay gaareen 601 Qof.