Dowladda oo warbixin ka soo saartay xanuunka dilaaga ee CORONAVIRUS

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa waxay warbixin ka soo saartay xanuunka dilaaga ah ee CORONAVIRUS, ee markiisii hore lagu arkay dalka Shiinaha, kuna sii fidaaya dunida inteeda kale.

Warbixinta Wasaaradda ayaa u qorneyd sidatan:-

Ujeedo: War-murtiyeed Ku Saabsan Xanuunka CORONAVIRUS

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadu waxay bulshada Soomaaliyeed la wadagaysaa dadaalada ku aadan cudur dillaaca xanuunka coronavirus oo laga xaqiijiya 18 dal oo dunida ku kala yaal waxayna Wasaaraddu soo saartay war murtiyeedkan:

  1. Wasaaradda Caafimaadku waxa ay cadeyneysaa in howl-maalmeedka Wasaaradda ay ka mid tahay u diyaargarowga musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa aan dabiiciga ahayn oo ay ka midyihiin cudur-dilaacyada sida xanuunka coronavirus waxeyna had-iyo-jeeraale juhdi ku bixineysaa kahortaga xanuunadda waxyeelo u geysan kara fayaqabka bulshada Soomaaliyeed.

 

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com