Dowladda oo sheegtay in si ku talo-gal ah loo dilay Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan

Iyada oo shalay Guddigii loo xilsaaray baritaanka dhacdadii lagu dilay Guddoomiyihii degmada Hodan ay wareejiyeen natiijada barotaankoodii ayaa Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada waxaa ay sheegtay in si ku talo gal ah loo dilay Cabdixakiin Dhegajuun Guddoomiyihii degmada Hodan.
Xeerillaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamadda Janeraal Cabdullaahi Buulle Kameey ayaa sheegay in baritaanka kiiska la soo geba-gabeeyay, isla markaana Maanta oo Axad ay bilaabaneyso gudbinta dacwadda si loo muddeeyo waqtiga la qaadayo.

Xeer Ilaaliyaha oo la hadlay warbaahinta dowladda waxaa uu sheegay in geb-I ahaan la soo geba-gabeeyay baariaanka sida uu u dhacay dilka Guddoomiyihii degmada Hodan, isla markaana si ku talo gal ah lo dilay.
21-kii Bishii Janaayo ee sanadkan 2021 ayaa Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya waxaa au xlli habeen ah rasaas ku fureen gaari uu saarnaa Guddoomiyihii degmada Hodan xilli uu marayay Isgoyska loo yaqaan Jid Mareexaan, mid kamid ah rasaasta oo haleeshayna uu u geeriyooday.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com