Xukuumada cusub ee Norway oo kordhin doonta lacagta kabka guryaha ee Bostøtte.

Oslo:-Dowladda ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay kordhin doonta lacagta kabka kirada guryaha ah ee loo yaqaan Bostøtte-ha.

Wasiirka cusub ee Maaliyada ahna Gudoomiyaha Xisbiga SP Trygve Slagsvold Vedum ayaa sheegay in arintaasi uga gol leeyihiin sidii ay uga taageeri lahaayeen bulshada danyarta ah korontada oo hada ah mid aad qaali u ah maadaama la galay waqtiga qaboobaha.

Trygve Waxaa uu tilmaamay in hada wadanka Norway la dareemayo sare u kaca korontada taasina Dowladda ku dhalisay in ay caawiyaan bulshada aan dhaqaale ahaan iska bixin karin.

Mudooyinkii ugu dambeeyay hadal heynta warbaahinta gudaha Norway ayaa ahaa sare u kaca maalinlaha ah ee korontada.

Xafiiska Wararka Oslo

Info@aragticusub.com