Dowladda oo go,aan ka soo saartay dadka qaata lacagta dagpenger-ka.

Oslo:- Xukuumada cusub ayaa go,aan ka soo saartay dadka wali suuqa shaqada ka maqan ee qaata lacagta loo yaqaan dagpenger-ka.

Dowladda ayaa xustay in la joogo waqtigii wax ka badal lagu sameyn lahaa qaadashada lacagtaasi.

lacagta dagpenger ayay hore dowladda wax uga badashay intii lagu guda jiray xanuunka safmarka ah ee koronavirus.

Hada waxaa ay dowlada shaacisay in wixi ka dambeeya 31-December dhaqan gali doono sharciyo cusub ee la xiriirta dadka qaata dagpenger.

Arintaas ayay Dowladda ku sababeysay in haatan yaraaday saameynta bulsho ee COVID-19 isla markaana dooneysa in bulshada si caadi ah ugu soo laabtaan suuqa shaqada.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com