Dowladda Mareykanka oo muwaadiniinteeda uga digtay u safrida Norwey.

Washington:-Dowladda Mareykanka ayas muwaadiniinteeda uga digtay in xiligaan u safraan dalka Norwey sababo la xiriira Xanuunka COVID-19.

Mareykanka ayaa Norwey ku dartay wadamada koowaadka ee hadii loo safaro si fudud lagu soo qaadi karo Cudurka.

Hay,adda dowlada Mareykanka u qaabilsan xakameynta cudurada faafa ayaa warbixinteeda intaasi and ku dartay in hadii qofku u safrayo Norwey si buuxda u qaato talaalka ka hortaga xanuunka Covid-19.

Warbixintaan ka soo baxday hay,adda ka hortaga cudurada faafa u qaabilsan Mareykanka ayaa imaanaya xili maalmo yar ka hor dowlada Norwey ku dhawaaqday dib u furida wadanka isla markaana dadka noloshooda si caadi ah u bilaaban karaan .

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com