25.9 C
Mogadishu
Monday, August 19, 2024
Home Wararka Afrika Dowladda Kenya oo xirtay Suuqa Soomaalida Nairobi ee Islii

Dowladda Kenya oo xirtay Suuqa Soomaalida Nairobi ee Islii

 

Dowladda Kenya ayaa si ku meel gaar ah u xirtay Suuqa Soomaalida ku leeyihiin xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi, ka dib markii nin Soomaali ah laga helay Coronavirus.

Wasaaradda Caafimaadka Kenya ayaa Jimcihii xaqiijisay in muwaadin Soomaaliyeed uu ka mid noqday laba iyo toban oo cusub, oo laga helay caabuqa COVID-19.

Ninkan ayaa loo maleynaya in uu ka mid yahay ganacsatada Suuqa Islii, iyadoo dhinaca kalena ay Kenya suuqaasi ku buufisay dawada jeermiska disha.

Xoghayaha Guud ee Guddiga Ganacsatada Suuqa Islii, Cumar Ibraahim Xuseen ayaa sheegay in muddo laba maalmood ah ay Dowladda Kenya xirtay suuqaasi.

Xoghayaha oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA ayaa xaqiijiyay in maalinta Isniinta ay dib u furi doonaan goobihii ganacsi ee xaafadda Islii.

Sababta Suuqa Islii loo xiray ayuu ku macneeyay, iyadoo nin lala xiriiriyay inuu la ganacsado ganacsatada la sheegay in laga helay caabuqa COVID-19.

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com