Dowladda Kenya oo debcisay xayiraadihii socdaalka.

Dowladda Kenya ayaa khafiifisay xayiraadihii xagga socdaalka ee dalkaasi saarnaa todobaadyo, kaddib markii ay soo kordheen kiisaska xanuunka COVID-19.
Inkasta oo ay dawladdu debicisay xayiraadihii xagga duulimaadyada, haddana shirkadaha duulimaadyada iyo xafiisyada tikidhada laga goosto ayaa sheegaya in xayiraaddii ay dawladdu hore u soo rogtay ay saamayn dhinaca dhaqaalaha ah ku yeelatay.

Dadka ku nool guud ahaan Magaalooyinka dalka Kenya ayaa waxaa ay walaac xoogan ka muujinayeen xayiraada dhinaca socdaalka ah, waxaana qaarkood ay sheegeen in uu saameyn ku yeeshay Ganacsigooda.

Xafiiska Wararmuqdisho
Info@aragticusub.com