Dowladda Fedaraalka ee Soomaaliya oo Xiriirka U jartay Kenya

War ka soo baxay xukuumadda Fedaraalka ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu amray dublamaasiyiinta Kenya ka jooga Soomaaliya in ay dalka uga baxaan muddo 7 maalmood gudahood ah halka kuwa soomaaliya lagu amray in ay dalkooda dib ugu so laabtaan.

Sidoo kale , Wasiirka warfaafinta dowladda fedaraalka ee Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo warbaahinta dowladda ka hadlay ayaa ku dhawaaqay in Kenya ay xiriirka u jareen.

“Dowladda Soomaaliya iyaadoo ka duuleeysa madax-banaanideeda qaran ee uu dammaanad qaadaya xeerka iyo qeynuunka caalamiga ah, gudaneysana waajibaadkeeda dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta qaranimada, midnimada iyo xasiloonida ka saaran dalka, waxay go’aansantay iney xiriirka diblomaasiyadeed u jarto dowladda Kenya.”

Dowladda Soomaaliya waxay u yeeraneysaa dhammaan diblomaasiyiinteeda ka jooga Kenya iney dalka dib ugu soo laabtaan, waxayna ku amreysa kuwa Soomaaliya ka jooga dowladda Kenya iney dalka kaga baxaan muddo 7 maalmood ah oo ka bilaabaneysa maanta oo ay bisha ku beegantahay 15-ka Diseembar.”

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay go’aankan u gaartay si ay uga jawaabto xad gudubyada siyaasadeed ee qaawan ee isdaba joog ah ay ku hayso dalkeena, dowladda Soomaaliya waxay xaqijineysa madaxbanaanida iyo qaranimada umadda Soomaaliyeed si waafaqsan shuruucda dalka iyo xiriirka caalamiga, wax gorgortan ahna dowladda kama galeyso xorriyadda, madaxbanaanida iyo qaranimada umadda Soomaaliyeed.”

Go’ankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Soomaaliya ay warqad cabasho ah oo ka dhan ah Kenya u gudbisay Ra’iisul Wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk, ahna Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD. Soomaaliya ayaa dhawaan Kenya ku eedeysay inay faragelin ku hayso arrimaha Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com