Dowlada Turkiga oo eriday 10-safiir oo ku jiro safiirka Norway.

Ankara:-Dowlada Turkiga ayaa maanta eriday Safiirada ilaa iyo 10 safiir oo uu ku jiray safiirkii dowlada Norway u joogay dalka Turkiga.

Madaxweynaha Wadankaasi Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in safiiradaan aan looga baahneyn in ay sii joogaan wadanka isaga oo faray wasiirkiisa arimaha gudaha in wadanka ka eryo safiiradaan.

Sababaha ugu weyn ee erida ayaa ka dambeysay kadib wadamada safiiradaan ay ku baaqeen in la sii daayo muwaadin Turki ah oo u xiray arimo la xiriirta in uu ka dambeeyay afgambigii dicisoobay ee dalkaasi ka dhacay.

Sarkaal ka tirsan Norway oo arinta eryida ka hadlay ayaa sheegay in ilaa iyo hada faah faahin rasmi ah ka helin Xukuumada Ankara oo ay kaga hadlayaan go,aankaasi.

Safiirada Maanta la eryay ayaa ka kala socday wadamada Norway, USA, jarmalka, kanada, Danmark, Finland, faransiiska , Holand, New Zealand, iyo Swedan.

Xiriirka Turkiga iyo Wadamada reer Yurub ayaa hada u muuqanaya in uu marayo meeshii ugu hooseeysay.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com