Dowlada Qatar oo diidday taageerada Farmaajo iyo musharixiin ay isku saf yihiin.

Ilo diblomaasiyadeed oo katirsan ergada Soomaaliya ee dibadda ayaa u sheegay warbaahinta in dowladda Qatar ay ku gacan-sayrtay soo jeedin iyo codsi wada socda oo ku saabsan taageeridda ololaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo; kaas oo koox ka socotay Farmaajo ay u bandhigtay madaxda Qatar, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ilahaas diblomaasiyadeed oo xilkas ah.

Sababta diidmada taageeridda ololaha Farmaajo waxa ay ku sheegeen 3; arrimood oo waaweyn kuwaas oo si xun u saameeyey islamarkaana meel hoose geliyey rejada is sharrixidd Farmaajo, iyada oo laga shidaal qaadanayo sida ay siyaasad ahaan u jabeen dhammaan xubnihii katirsanaa kooxda ee u tartamay kuraasta labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Qadariyiinta oo mar hore la socdsiiyey Farmaajo iyo kooxdiisu in ay lumiyeen kalsoonida goloyaasha dowladda iyo dadweynaha sidaas awgeedna aysan jiri Karin fursad lagu taageero si ay uga qaybgalaan tartanka doorashada Madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya.

Sabab kale oo ay Qatariyiintu u diideen gacansiinta ololaha Farmaajo ayaa ah isbeddelka siyaasadeed ee ka dhacay Khiliijka iyo guud ahaan bariga dhexe kaas oo aan Farmaajo iyo kooxdiisuba wax saameyn ku lahayn.

Sida ay ilaha diblomaasiyasadeed u sheegeen warbaahinta, Qatar ayaa aad uga xumaatay heshiiska la xariira shidaalka ee Farmaajo iyo  Wasiirka Batroolka Soomaaliya u saxiixeen Shirkadda Coastline kaas oo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku sheegay waxba kamajiraan, sidaas oo kalana uu baabi’iyey Hanti-dhowrka guud ee Qaranka Soomaaliya.

Kooxda ka socota Farmaajo oo Qatar u joogta taageero u raadinta ololaha Farmaajo ayaa iskudeyey in ay ku qanciyaan Qatar in ay taageerto musharax kale oo kamid ah Musharixiinta kujira tartanka kaas oo ay siyaasad ahaan Farmaajo ka mideysan yihiin tartanka Madaxweynaha Soomaaliya, hayeeshee Qatarayiinta ayaa weydiiyey kooxda Farmaajo faraqa u dhexeeya Farmaajo iyo musharaxa laga codsaday in ay taageerto!

La taliyeyaasha iyo saaxiibadii siyaasadeed ee Farmaajo la soo shaqeeyey muddo shan sano ah ayaa qaarkood intooda waxa ay lumiyeen kuraastoodii labada aqal ee Baarlamaanka sidaas oo kalana qaarkood ayaa ka haray xilalka guddoonka Baarlamaanka kaddib markii ay waayeen cod u suurageliye qabashada kuraasta sare kuwo kalana waxa ay sheegeen in Farmaajo dhabarka ka toogtay oo uu sababay in ay lumiyaan kuraastii ay ku fadhiyeen muddo dheer.