Dowlada oo sheegtay in ay maxkamad u gudbinayeen Askari laba kun Shilin -Soomali ah u dilay ruux shacab

Saraakiisha Ciidamada Booliska Somaliya, ayaa sheegay Maxkamadda Ciidamada qalabka sida inay u gudbinayaan Askari ka tirsan Ciidamada Booliska oo nin Miskiin ganacsade ahaa ku toogtay Degmada Xamar Jajab.

Falkaan ayaa yimid kadib markii Askariga uu damcay inuu Sigaar ka iibsado ninka ganacsadaha ah oo Miisyar ki haystay agagaarka Isgoyska Umbulutooriyo Ceelgaabta, balse lacagtii uu watay Askariga oo jeexnayd ayaa ganacsidihii uu diiday, kadibna waxa uu madaxa uga dhuftay xabado.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cumar waxa uu ifka kaga tagay Lix carruur ah oo noloshooda ka maareyn jiray miiska uu ku iibinaayay alaabta.

Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa sheegay Askariga dilka gaystay shalay galab in loo gudbiyay Xarunta Dambi Baarista Booliska Somaliyed, halkaasi oo kiiska dilka uu gaystay lagu diiwaangelinaayo, kadibna maxkamadda loo gudbinaayo.

Ehelada Marxuumka & dad kale oo Banaanbax dhigay ayaa waxa ay dalbadeen in cadaaladda la waafajiyo askarigii sida Naxariis darada u dilay ninka da,da ahaa ee ganacsiga yar haystay.

Ciidamada dowladda ayaa Magaalada Muqdisho waxa ay ka gaystaan falal tacadi ah oo qaarkood aanan loo dulqaadan karin, maadaama hubka dowladda ee canshuurta shacabka lagu iibiyo dadka ay ku dilayaan.