Dowlada Norwey oo ka hadashay Cudurka coronovirus ee ku sii faafaya dalka.

Oslo, Ra,isul wasaaraha Norwey Erna Solberg ayaa goordhaw ka hadashay Cudurka coronovirus ee ku sii baahaya bulshada dhexdeeda.

Erna oo uu wehliyo wasiirkeeda caafimaadka ayaa xustay in xeerar adag soo saari doonaan si loo yareeyo xanuunka sii baahaya.

Waxaa ay tilmaamtay in xeerarkaas ka mid noqon karaan yareynta isu imaatinka iyo waliba safaarada.

Sidoo kale Ra.isul wasaare Erna Solberg ayaa kula talisay bulshada in la adkeeyo xeerarka si loo xakameryo xanuunkan saf mareenka ah.

Hadalka Erna Solberg ayaa imaanaya xili gobolo badan oo ka mid ah dalka uu si safmareen ah ugu baahayo Cudurka coronovirus taas oo welwel hor leh ku abuurtay dowlada.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com