London,Qolyaha ol’olayaasha sameeya ee ku sugan UK ayaa dowladda ka dalbaday in la mamnuuco qalliinnada ay dhakhaatirtu ‘haweenka ugu soo celiyaan bikrada’.
Hawenka qalliinnada noocan ah lagu sameeyo ayaa la sheegay in kuwo badan oo ka mid ah ay yihiin muslimiin, oo kasoo jeeda qoysas ku adag dhaqanka, waxayna halis ugu jiraan in la deyriyo, ama xitaa mararka qaar laga yaabo in la dilo, haddii ragga guursaday ama xubno ka tirsan qoysaskooda ay ogaadaan inay galmo soo sameeyeen guurka ka hor.
Waxay door bidaan inay hab caafimaad maraan “si dib looga dhigo bikro”.
Ma laha faa’iido caafimaad
Bulshooyin badan ayaa aaminsan in haweenka marka ay aqal galayaan ay ahaadaan kuwo aan horay gogol kale usoo marin, taasina ay tahay sida kaliya ee ay sharaftooda ku caddeyn karaan.
Dadka ol’olaha wada ayaa sheegay in loo baahan yahay joojinta qalliinnadan, oo aysan ku jirin faa’iido caafimaad.
Laakiin dhinaca kale waxaa jira walaac laga qabo in haddii nidaamkaas la mamnuuco ay sii kordhi karto khatarta ay haweenku qoysaskooda ka wajahaan.
Sida laga soo xigtay Golaha Guud ee Caafimaadka (GMC), UK waxaa ka jira hab loo maro qalliinnada, iyadoo su’aal la galin karo “haddii qaliinku uu noqdo mid qofka uu ku kaliffayo cadaadis lasoo saaray”.
Taasi waxay ka dhigan tahay in howsha soo celinta waxa ay dadka qaar ugu yeeraan “sharafta gabdhaha” ay tahay mid la joojin karo, haddii hoos loo sii eego, ayna dhab tahay xogta laga sameeyay ee ah in dumarka nidaamkaas mara ay cadaadis la kulmayaan.
‘Gabar cabsi ku nool’
Halaleh Taheri, oo ah aasaasaha hay’adda Arrimaha Bulshada iyo Haweenka ee Bariga Dhexe, ayaa BBC-da u sheegtay inay jirto gabar ardayad ah oo u dhalatay waddanka Morocco, taasoo ku dhuumaneysa London, ka dib markii loo sheegay in aabaheed uu nin u kireystay si uu u dilo iyada.
Ka dib markii ay UK waxbarashao u tagtay sanadkii 2014-kii, haweeneydan oo hadda 26 jir ah waxay la kulantay nin, kaasoo markii dambe ay meel isla dageen.
Laakiin aabaheed markii uu maqlay xiriirkooda, wuxuu ka dalbaday inay ku laabato Morocco, wuxuuna geeyay isbitaal “uu ku baarayay inay wali bikro tahay iyo in kale”, wuxuuna ogaaday in wax walba aysan sidii uu ka rabay ahayn.
Waxay dib ugu baxsatay London, laakiin hadda waxay ku nooshahay cabsi joogto ah oo ay ka qabto in aabaheed uu ogaan doono meesha ay dagan tahay.
Macallimad 40 jir ah oo ku dhalatay Morocco ayaa BBC-da u sheegtay in iyadoo 20 jir ah lagu khasbay inay qalliin isku sameyso, laakiin waxay wacad ku martay in gabdhaheeda aysan cadaadis noocaas ah saari doonin.
“Waligey sidaas kuma sameyn lahayn gabdhaheyga. Waxaan isku dayi lahaa inaan baro sidii ay xor u ahaan lahaayeen”, ayey tiri.
Habeenka Aqalgalka
Isbitaallada ku yaalla UK ee qalliinnada ku sameeya xubnaha taranka ee haweenka ayaa halkii qofka ka qaada lacag dhan £3,000, waxayna howsha dhakhtarka socotaa muddo hal saac ah.
Ururrada u dooda xuquuqda dumarka ayaa sheegay in isbitaallada noocaas ah ay kharash badan ka faa’iidaan haweenka muslimiinta ah ee ka cabsi qaba “inay ceeboobaan habeenka aqalkgalka”.
BBC-da ayaa la xiriirtay mid ka mid ah isbitaalladaas, laakiin wax jawaab ah lagama helin.
‘Howl dhibaato leh’
Wasiirka caafimaadka ee UK, Matt Hancock, ayaa sheegay inuu baaritaan ku sameyn doono sidii loo soo afjari lahaa “howshan dhibaatada leh”, laakiin waaxda caafimaadka ayaa ka gaabsatay inay sharraxaad ka bixiso qaabka loo mamnuuci karo qalliinnadaas.
Dr Khalid Khan, oo ah barfasoor caafimaadka haweenka ka dhiga iskuulka caafimaadka ee London, gppb joogna u ahaa qalliin noocaas ah, ayaa sheegay in mamnuucistu aysan ahayn waddadii saxda ahayd ee arrintaas wax looga qaban lahaa.
Wuxuu qabaa in wacyigalin badan la siiyo dumarka, go’aankana loo daayo iyaga.
“Waxay ila tahay in waanada dhakhaatiirta ay wax badan ka tareyso arrintaas”, ayuu yiri.
Caawinaad dhinaca maskaxda ah
Hase ahaatee, Dr Naomi Crouch, oo guddoomiye ka ah ururka dhakhaatiirta haweenka ee Britain, ayaa sheegtay inay ka walwalsan tahay gabdhaha iyo haweenka lagu khasbayo hannaan aysan wax faa’iido caafimaad ah ku jirin.
“Waajibaadka dhakhaatiirta waa lagu caddeeyay xeerka u yaalla ururka ay leeyihiin midowga dhakhaatiirka haweenka”, ayey tiri.
Colin Melville, oo ah agaasimaha arrimaha caafimaadka iyo waxbarashada ee ururka dhakhaatiirta haweenka, ayaa sheegay in dhakhtar walba uu ku khasban yahay inuu eego waxa ay haweeneydu raalli ka tahay oo ay iyada dalbatay.
Su’aasha ku saabsan saxnimada arrintan
“Haddii qofka bukaanka ah waxa uu sameynayo ay ku kallifayaan cadaadisyo dad kale uga imaanaya, markaas laguma tilmaami karo wax uu raalli ka yahay qofku. Haddii uu dhakhtar xaqiijiyo in cunug ama qof dhalinyaro ah uusan shakhsi ahaan raalli uga ahayd waxa lagu sameynayo, markaas waa inaan la fulinin qalliinka”, ayuu yiri.
Qolyaha ol’olaha sameeya ayaa sheegay inaan wax badan laga ogeyn saameynta xilliga fog ah ee ay qalliinnadan ku yeelan karaan haweenka la mariyo.
Waxay sidoo kale walaac ka muujiyeen in dumarka qalliinnadaas dalbada aysan helin la talin ku filan, ka hor inta aan la guda galin howsha.
Miss Taheri waxay tiri: “Haweenkan waxay gaareen heer ay isu arkaan alaab ay dad kale leeyihiin, halkii ay iska soo qaadi lahaayeen inay bani’aadan yihiin”.
“Dumarka Muslimiinta ah, waxa cadaadinaya waa dareen ceeb ka carar ah iyo inay ka baqayaan ciqaab”.
“Kuwa kalena, waxaa ku kallifaya kalsooni darro ay ku qabaan jirkooda”.
Xigasho:BBCSOMALi