Dowlada Federaalka oo shaacisay dalka ugu weyn ee taageerada siiya Soomaaliya.

Muqdisho,Wasiirka Arimaha dibada Dowlada Federaalka Soomaaliya Ahmed Ciisen Cawad ayaa sheegay in dowlada Sacuudiga tahay wadanka ugu weyn ee taageerada xoogan la garab taagan Soomaaliya.

Cawad oo la hadlayay Wargeyska Asharq Al-Awsat ayaa intaas ku daray in dowlada sacuudiga tahay mida kaliya ee mar walba taageero kala duwan la garab taagan shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed.

Waxaa uu xusay in mashaariic hirgaliyay ka fuliyeen gudaha soomaaliya kuwaas oo ku baxayay 180 milyar oo doolar.

Sidoo kale wasiirka ayaa xusay in dowlada federaalka wali ku taagan tahay go,aankeeda dhex dhexaadnimo ee khilaafka ka jira wadamada Khaliijka.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com