Doorshada Kuraasta Golaha Degaanka Gaalkacyo oo la soo gaba gabeeyay

Waxaa la soo gaba gabeeyay Doorashada 13-kursi oo ka dhin naa 27-Kursi  ee uu ka kooban yahay Gollaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo,

 

Ergada ayaa maanta soo dooratay boosaskii dhimanaa taasi oo xaqiijisey in Gaalkacyo  Xildhibaano ay dadkeedu soo doorteen oo iyaguna u codeyn doona Madaxda Maamulka Degmada Gaalkacyo  ee badalaya kuwii hore.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Galmudug ayaa goobjoog ka ahaa doorashada maanta ee lagu soo dhameystirayay Gollaha Deegaanka, maalinta Isniinta ah ee nagu soo wajahan ayaa loo balamey doorashada Duqa Degmada, iyadoo inta ka horeysana tababaro loosii qaban doono Xildhibaanada maanta la doortay.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com