Doorka Beesha Caalamka ee Xalinta Khilaafka doorashada Soomaaliya

Wakiillada beesha caalamka ee ku sugan Soomaaliya   ayaa  wada dadaallo ay ku doonayaan in  maamullada Puntland iyo Jubaland inay ka qeybgalaan shir madaxeedka Muqdisho ee looga arinsanayo doorashada dalka.

Beesha Caalamka ayaa marar badan sheegtay in xal u helidda xiisada ka taagan siyaasadda Soomaaliya ay ku jirto dhameystirka heshiiskii ay madaxda dalka gaareen 17-kii September 2020 ee lagu faahfaahiyay hannaanka doorashada.

Khilaaf ka dhashay qodobo kamid ah heshiiskaas ayaa horseeday in kulan ay madaxda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ku yeesheen Dhuusamareeb horraantii sanadkan uu ku soo idlaado natiijo la’aan.

Hogaamiyayaashaas ayaa kadib guddi farsamo oo ka kooban 14 xubnood u diray magaalada Baydhabo, waxaana guddigu shaaciyay in laga heshiiyay dhammaan qodobadii la isku hayay.

Kulan ay madaxtooyada Soomaaliya ku baaqday in madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadiir ay Muqdisho isugu tagaan 18-kii bishan ayaa la filayay in dhinacyada ay ku kala saxiixan doonaan heshiiska ay gaareen guddiga farsamada.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com