Dad badan aaaa is weydiinayo suurtagalnimada sida loo hirgalin karo doorashada qofka iyo codka oo lagu qabto dalka madams xiligaan dowlada u harsantahay wax kayar 4-bil.
Waxa jirta doorasho muuqaal doorasho leh oo had iyo goor laga qabto wadamada nidaamyada kalitaliska ahi ka taliyaan oo ah metelaad doorasho, waxaana ay sameeyaan in magaalooyinka meelaha xarumaha dawladaha hoose ama xarumaha dadku wada leeyihiin inta la dhigo sanaaduuq cod bixin lagu sheego in ay doorasho dhacday oo dadku codeeyeen.
Waxa aan is leeyahay Somalia hadii loo jeedo doorasho qof iyo cod ahi hadii taa looga jeedo waa la sameyn karaa waanay ka dhici kartaa in loo ekeeysiiyo doorasho amaba aan odhan karno doorasho ka duwan tii hore loo qaban jiray ayaa la qabtay.
Doorasho hal qof iyo hal cod ahi waa doorasho ka dhici karta dal dimuqaradi ah oo leh nidaamka ururada iyo axsaabta badan, isla markaana ah dal degen siyaasad ahaan iyo nabadgalyo ahaanba.
Waa doorasho ka dhici karta dal dadkiisu fahamsan yihiin doorashooyinka iyo dimuqaradiyada isla markaana ay yihiin dad bisil oo ka soo gudbay marxalado badan oo ka horeeya doorashada qofka iyo codka ah ee la rabo in la hirgaliyo.
Waa doorasho ka dhici karta dal ay nabadgalyadiisu sugan tahay oo aan kala xidh-xidhnayn cabsiyi aanay jirin oo dadka axsaabta ah , murashaxiinta ololaha ku jirta iyo cod bixiyayaashuba ay tagi karaan meelkasta oo dalka ka mid ah.
Waa doorasho u baahan dhaqaale badan iyo wakhti ku filan oo lagu hirgaliyo nidaamkaasi maadaama oo uu yahay wax cusub oo aan hore u dhici jirin oo u baahan aqoonteeda iyo waayo aragnimada hawlahaa adag loogu badheedhayo.
Waa doorasho u baahan xeeearkii doorashada ee lagu dhaqayey min goobta cod bixinta ilaa xarunta gudiga doorashada heer qaran hawlaha ka socda , doorasho lama qaban karo ilaa shuruucdeedii iyo xeerarkeegii lawada diyaariyo isla markaana xeerarkii anshaxa laga saxeexo axsaabta tartamaysa.
Dad badan ayaa u arko doorasho qof iyo cod ah oo xiligaan soomaaliya lagu qabto riyo maal meed cad oo aan marnaba suurtagal noqonkarin.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com