Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada garoowe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland lagu qabto doorashada 11 Xubnood ee Puntland ku matalaya Aqalka sare, kuwaas oo habeen ka hor uu soo saaray madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
Doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare ee Maanta ka bilaabanayesa Magalada Garoowe ayaa waxaa u sharaxan 22 Xubnood, kuwaas oo ku tartamaya 11 kursi ee Puntland ku leedahaya aqalka Sare, waxaana Magacyadooda kala yihiin.
1 Cabdiraxman Maxamed Maxamuud (faroole)
Maxamed Cusmaan Colaad
2
Maxamed Cali Yusuf (Gaagaab)
Kawsar Cabdulaahi Xirsi
3 Maxamed cabdi cisman (Majiino)
Maxamed Geedi Maxamuud
4 Cabdulaahi Cali Xirsi (Timacade)
Cabdulahi Maxamed Xaashi Nuur
5 Cabdisamad Yusuf Maxamed (Abwaan)
Ismacil Mire Muumin
6 Daahir Ayaanle Saciid
Maxamed Cumar Maxamed
7 Farxaan Cali Xuseen
Hodan Isxaaq Maxamed
8 Saynab Ismacil Maxamed
Amina Jamac Ibraahim
9 Abdiqani Geele Maxamed
Cabduqadir Maxamad Yusuf
10 Samiro Maxamuud Xaaji Cawad
Nacima Axmad Bakar
11 Sareedo Maxamed Xasan
Fartuun Yusuf Jamac
Ammaanka magaalada Garoowe ayaa Maanta aad loo adkeeyay, waxaana gudaha magaalada garoowe Maanta siweyn looga dareemayaa doorashada Xildhibaannada Aqalka sare ee Maanta ka bilaabaneysa.