Doorashada Norwey oo isbuucii labaad socota.

Oslo, Doorashada Baarlamaan ee dalka Norwey ayaa isbuucii labaad socaneysa waxaana muuqanaya in bulshada Norwey si aad ah codadkooda u dhiibanayaan.

Xisbiyada ku tartamaya Doorashada ayaa ah kugu codad uruursi ku jira isla markaana
kulamo la qaadanaya bulshada qeybaheeda kala duwan.

Qaar ka mid ah xisbiyada ayaa la arkayaa iyaga oo codad waydiisanaya gudiyaga haya Maamulka Masaajida Magaalada Oslo.

Soomaalida oo ka mid ah ajaanibta ugu badan Norwey ayaan aheyn kuwo xiligaan ku baraarugsan awooda ay ku yeelan karaan Doorashada socota maadaama ka dhex jirto kala qeyb sanaan xoogan isla markaana isku mowqif ka aheyn sidii codadkooda u siin lahaayeen Soomaalida sanadkaan u sharaxan Baarlamaanka Norwey.

Warbaahinta aragticusub waxaa uu idinla socodsiin doonaa Barnaamijyo naxane ah ee ku aadan Doorashada Norwey iyo doorka aan muuqan ee ku leeyihiin Soomaalida.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com