Doorashada Kursiga ka mid ah kuraasta golaha shacabka oo maanta ka dhacday Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ka dhacday doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee gobolada waqooyi
Kursigan oo Sumadiisa ay tahay Hop#272 ayaa waxaa ku tartamay illaa saddex musharrax oo kala ah Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar, khadra Axmed Ibraahim iyo Cabdiqani Maxamed Axmed, kuwaas oo marka hore codkooda weydiistayt ergada doorashada.
Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar ayaa ku soo baxay kursigan oo uu horay ugu fadhiyey Guuleed Ceydaruus Cige, kadib markii uu ka adkaaday musharixiintii la tartamayey.
Guddiga maamulaya doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee Somaliland oo natiijada ku dhawaaqay ayaa sheegay in kuraasta kale ee harsan la dardargelinayo doorashadooda, isla-markaana ay ka go’an tahay dhammeystirka xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com