Doorashada Kursiga Ay Ka Geeriyootay Aamina Maxamed Oo Maanta Ka Dhaceysa Jowhar

Doorashada hal kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee ku harsan Maamulka Hirshabeelle ayaa Maanta oo khamiis ah waxaa lagu wadaa inay ka dhacdo Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, ahna Caasimadda Maamaulkaas.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay 135 oo ay ka geeriyootay Marxuumad Aamina Maxamed Cabdi ayaa doorashadiisa ka dhaceysa Magaalada Jowhar, waxaana loo diiwaan-geliyay laba Musharax inay ku tartamaan kursigaas Golaha Shacabka.

Guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa shalay shahaadada Musharaxnimo siiyay Maxamed Nuur Xuseen iyo Maxamed Aadan Daahir, kuwaasi oo tartami doona kursiga  135 oo ay ku fadhiday Allaha u naxariistee Aamina Maxamed oo qarax lagu dilay.

Marxuumad Aamina Maxamed Cabdi oo aheyd Xildhibaanad ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaankii 10-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu dilay qarax Is-miidaamiin ah oo lagula beegsaday Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Maamulka Hirshabeelle ayaan weli dhammeynin doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana waxaa ku harsan haatan hal kursi oo kamid ah kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Jowhar.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com