Waxaa Maanta lagu wadaa in Magaalada Dhuusa-mareeb ka dhacdo doorashada Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug.
Doorashadan ayaa ah mid si weyn indhaha loogu haayo isla markaana la sugayo sida natiijadu ku dambeyn doonto.
Musharaxiin dhowr ah ayaa isu soo sharaxay xilka gudoonka baarlamaanka kuwaas oo maanta lagu kala saari doono codka qarsoodiga ah.
Wariyayaasha ku sugan dhuusa-mareeb ayaa iminka ku soo waramaya in ay socoto qaban qaabada doorashadaas.
Wixii Warar ah kala soco www.aragticusub.com
Info@aragticusub.com