Doorashada 2 kursi Golaha shacabka Ka Tirsan oo maanta ka dhaceysa Dhuusamareeb

Guddiga doorashada  Golaha shacabka Galmudug ee SEIT ayaa xalay ku dhawaaqay in maanta Khamiis ah la dooran doonaan labo kursi oo golaha shacabka ah.

Shalay ayaa labo kursi lagu soo doortay Dhuuso mareeb iyadoo guddiga ay shaaciyeen in maanta  ay doorashadeeda qaban doonaan Labo Kursi.

Kursi ka mid ah doorashada la filayo in la qabto ayaa ah midka uu doonayo Kusimaha Agaasimaha Hay’adaha Sirdoonka iyo Nabad sugida qaranka Yaasiin Cabdullaahi Fareey.

Guux siyaasadeed ayaa ka jira dhuuso mareeb caawa iyadoo lacago badan lagu bixinayo kursiga Hop067 oo ah kan ugu saameynta badan ee dhuuso mareeb la hadal hayey maalmihii lasoo dhaafay

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com