Diyaarado duqeeyay degaanno ka tirsan gobolka Mudug

Diyaarado kuwa  dagaalka ah  ayaa Maanta duqeymo xooggan ka geystay degaanno hoostaga degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, halkaas oo dhawaan ay la wareegeen Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka.

Duqeymaha ayaa Saraakiil Ciidan waxaa ay sheegeen in lala beegsaday Saldhigyo ay Xubno katirsan  Al-Shabaab ku lahaayeen degaannada Caad iyo Ceel-cabdi, waxaana Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in goobaha la duqeeyay ay isku aruursanayeen Al-Shabaab.

Sidoo kale wararka la helay ayaa sheegaya in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay gudaha u galey deegaanada Caad iyo Ceel-cabdi oo ay dhowr jaho kaga yimaadeen, guushan ayaa timid xili uu in ka badan todobaad Xarardheere ku sugan yahay madaxwayne Galmudug QoorQoor.