Wararka Imaanaya Degmada Xudur ee Xaruunta Gobolka Bakool ayaa sheegaya in diyaarad siyad Raashiin iyo Agabyo kale ay maanta gaartay Magaalada Xudur ee Xaruunta Gobolka Bakool.
Raashiinka laga dejiyay diyaarada ayaa lagu wareejiyay Maamulka Degmada Xudur ee Gobolka Bakool si loogu qayb shacabka dhibaateysan ee Alshabaab ay go,doomiyeen
Madaxweyanaha Koofur galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ku sugan Magaalada Xudur Halkaas oo uu kulamo kula qaatay qaybaha kala duwan shacabka degmada Xudur ee gobolka Bakool oo uu kala hadlay xaaladooda iyo maamulkiisa sida uu ugu diyaargaroobay sidii culeyska ay ku haayaan shabaab looga qaadi lahaa
Raashiinkaan maanta la geeyay degmada Xudur ee Xaruunta gobolka Bakool ayaa ku soo aadaya xilli kiilada sonkorta la sheekay in Xudur ay ka maraeyso Hal doolar una dhiganta 25 kun oo lacagta shilinka Soomaaliga ah .
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com